La geeyay waddan aan Iswiidhan ahayn

Dulmiga iyo rabshada la xiriira sharaf-ilaalinta waxay ka dhici karaan gudaha Iswiidhan iyo meela kaleba. Carruurta iyo da’yarta haysta dhalashada Iswidhiidhan ama haysta nooc kasta oo ogolaansho ah waxay heli karaan caawimo waafaqsan sharciga Iswiidhan xitaa haddii dibadda loo qaado. Waxa kale oo jira sharciyo caalami ah oo looga dan leeyahay in looga hortago rabshada iyo dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta. Xuquuqul insaanku waa bar bilow caalami ah oo lagu meel mariyay sharciga caalamiga ah kaas oo khuseeya dhammaan dadka meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Sharciyadda u kala gooshta waddamada.

Dambiga la xiriira sharaf-ilaalinta waxay leeyihiin sharciyadda u kala gooshta waddamada oo qayaxan. Waxaa ka mid noqon kara carruurta loo diro dibadda, inta badan waddankii waalidkood u dhasheen, in la guursado, la gudo, ama lagu xad-gudbo iyadoo lagu marmarsiyoonayo magaca waxa loo yaqaanno safarro waxbarasho. Tan dambe waxay ku lug leedahay in carruurta loo diro qaraabada waddanka waalidku ka soo jeedo si loogu koriyo si waafaqsan heerarka sharaf-ilaalinta qoyska iyo qaraabada. Waxa ay carruurtu arkaan kolka ay galaan safarradan oo kale waa nooc ka mid ah dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta, laakiin waxaa ka mid ah in carruurta loo geysto xadgudub iyo hanjabaad looga gol leeyahay koriskooda. Ula dhaqmida noocaan oo kale ah waxay xadgudub daran ku tahay xuquuqul insaanka caruurta.

Sharciyadda u kala gooshta waddamada ee dambiga la xiriira sharaf-ilaalinta waxaa loo adeegsan karaa dadka waawayn , sida haweenka lagu qasbay guur oo dibadda looga soo tagay oonan haysan qaab ay ugu laabtaan Iswiidhan iskooda. Haweeneyda ku jirta xiriirka sharaf-ilaalinta, tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in loo diido awoodda ay ku maamusho dhaqaalaheeda iskeeda waxaana laga yaabaa in loo diido baasaboorkeeda ama dukumentiyada kale ee safarka marka ay timaado dalka ninkeeda u dhashay. Falalka noocaan ah waxay ka dhigan yihiin xad-gudubyo aad u weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee dhibanayaasha.

Waxaa muhiim ah in la xasuusto in dadka dibadaha loogu geysto xadgudubyo sharafeed iyo dulmi la xiriira in ay si gaar ah ugu adkaan karto in ay xoroobaan oo ay raadiyaan gargaar, maadaama ay inta badan yihiin kuwo ay u taliyaan qoyska iyo qaraabadooda joogaan dalkii hooyo. Hase yeeshee, mas'uuliyiinta Iswiidhan siyaabo kala duwan ayay u caawin karaan, laakiin xitaa haddii dhibbanuhu uu helo caawimo xallinta arrimaha la taaban karo, waxay u baahan karaan caawimo waqti dheer ka dib si uu ula qabsado nolol maalmeedka xor ka noqoshada dulmiga.

Guurka lagu galay dibadda

Haddii qofku uu keeno ama uu damco inuu ilmo dibadda u keeno isagoo ujeeddadiisu tahay inuu qof u guuriyo, qofku wuxuu galayaa dembiga marin habaabinta guurka. Sidoo kale waxaa ah qofka khiyaaneeya qof weyn inuu u dhoofo waddan kale si loo guuriyo isagoon raalli ka ahayn. Hadal qalloocinta waxay xambaarsan tahay ugu badnaan laba sano oo xarig ah.

Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhen, qof kasta oo ku kallifa qof inuu galo xiriir u eg nikaax ama guur ka dhaqan gala gobolka lagu galay uuna yahay mid muujinaya qasab ama ka faa'iidaysi aan sharci ahayn ee xaaladda nugul ee qofka waxaa lagu xukumi karaa dembiga khasabka ah ee guurka. Guurka khasabka ah wuxuu xambaarsan yahay ugu badnaan afar sano oo xarig ah. Haddii qofka la guursaday uu ka yar yahay 18 jir, dembiilayaasha ayaa wajihi doona ilaa afar sano oo xarig ah baddalka guurka caruurta. Ma jiro wax shardi ah oo qasab ah ama looga faa'iidaysan karo kiiska guurka caruurta. Cid kasta oo ku kacda ama ogolaata in ilmaha la guursado waxa lagu soo oogi karaa dembiga.

Dembiyadan sidaas ayaa lagu fulin karaa xitaa haddii guurku ka dhacay waddan kale oo ilmaha ama qofka nugul loo qaaday. Gudaha Iswiidan waxaa meesha laga saaray awooddii ay carruurtu ku heli lahaayeen madaxbanaani ay ku guursadaan iyo sidoo kale in la aqoonsado guurka carruurta ee ajnabiga ah. Sidaas darteed, Iswiidhan waxay mamnuucday aqoonsiga guurka carruurta ajnabiga ah.

Ka ganacsiga dadka

Guurka carruurta, guurka khasabka ah, iyo safarrada guurka khiyaanada ah ayaa dhammaantood ah qaybo ka mid ah dembiyada waaweyn ee ka ganacsiga dadka. Tani waxay ka dhigan tahay in xukuumaduhu ay tahay inay had iyo jeer go'aamiyaan in fal-dambiyeedka la galay ay yihiin nooc ka mid ah ka ganacsiga dadka iyo, haddii ay sidaas tahay, lagu soo oogo dacwad dembigaas halkii ay ka ahaan lahaayeen mid ka mid ah dembiyada kale.

Gudniinka Fircooniga

Tan iyo 1982, dhammaan noocyada gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha iyo haweenka waa ka mamnuuc Iswiidhan. Sharcigan ayaa la adkeeyay sanadkii 1999-kii, si qofka loogu xukumi karo Iswiidhan xitaa haddii dembiga gudniinka uu meel kale ka dhacay.

Xukuumadaha Iswiidhan ayaa mas'uul ka ah daryeelka iyo badqabka gabdhaha iyo haweenka lagu sameeyay gudniinka fircooniga, iyada oo aan loo eegin meesha uu xadgudubku ka dhacay. Xukuumadaha Iswiidhan waa in ay sidoo kale ka shaqeeyaan ka hortagga gudniinka fircooniga ah iyaga oo diiradda saaraya dadka khatarta ugu jira in lagula kaco. Haddii ay jirto khatar ah in qof lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah, waxaa habboon in tusaale ahaan, in la soo rogo mamnuucid bixitaan si aan ilmaha dibadda loogu qaadin si loogu sameeyo halkaas.

Looma baahna dembiyada labanlaabka ah

Dembiyada sharaf-ilaalinta la xiriira sida gudniinka fircooniga iyo dulmiga sharaf-ilaalinta, ma ahan qasab in fal dambiyeedka lagu soo oogo dalka uu ka dhacay. Waxa ku filan in dembigu uu daboolo sharciga Iswiidhan ilaa inta qofka nugul uu xiriir la leeyahay Iswiidhan wakhtiga uu dembigu dhacayo. Isla midaas ayaa run ka ah guurka carruurta iyo kan qasabka ah. Haddaba, dembiyada sharaf-ilaalinta la xiriira waa laga dhaafey shuruudda dembiyada labanlaabka ah, taas oo haddii kale khuseysa ugu horrayn dembiyada dibadda laga galo.

Caawinta iyo taageerada dibadda

Haddii adiga ama qof aad taqaan uu dibadda kula kulmo rabsho iyo dulmi la xiriira sharaf-ilaalin, Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa caawin kara. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in laguu qaado dibadda oo uu qof qorsheynayo inuu ku guursado ama lagugu sameeyo gudniinka fircooniga ah.

Xafiiska Arimaha Dibada

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswiidhan ee dalalka kale ayaa ka kooban maamulka arrimaha dibadda ee Iswiidhan. Maamulka dibada waa inay si wadajir ah uga shaqeeyaan inay u fidiyaan kaalmada qunsuliyada iyo latalinta dadka ku jira xaalad degdeg ah, sida inay la kulmaan dambiyada, iyagoo dibadda jooga. Taas macneheedu waxa ay tahay, iyo waxyaabo kaleba, in ay caawin karaan muwaadiniinta Iswidhan iyo dadka degan haddii ay ku xiran yihiin dibadda iyaga oo aan raalli ka ahayn.

Cilaaqaadka ay Iswiidhen la leedahay wadamada kale iyo ururada caalamiga ah waxaa dusha kala socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswiidhan ee dibeda waxay caawin karaan dhibanayaasha dambiyada iyagoo siinaya baasaboor, xawilaad lacag, iyo ku xirka qaraabada iyo xukuumadaha Iswiidhan iyo waxyaabo kale. Haddii Iswiidhan aysan safaarad ama qunsuliyad ku lahayn dalkaaga, waxaad caawinaad ka raadsan kartaa safaaradda waddan kale oo Midowga Yurub ah.

Xaaladaha iyo xeerarka ayaa ku kala duwanaan kara wadamada, oo saamaynaysa caawinta qunsuliyadda ee uu bixin karo Xafiiska Arrimaha Dibadda. Waxa dhammaan ay wadamu ka siman yihiin ayaa ah in adeegga loo bixiyo hab si joogto ah, u dhiganta, oo sharci ah.

Waxaa jira hagaha daaweynta oo sharaxaya waxa adeegyada qunsuliyada ee laga heli karo marka lagu jiro xaaladaha degdeg ah ee dibadda. Waxaa sidoo kale lagu heli karaa Af-Ingiriis, Af-Isbaanish, Af-Faransiis iyo Af-Carabi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa ay ugu horreyn isku xirtaa qofka nugul ee dibada ku sugan iyo maamulka Iswiidhan ku sugan.

Arrimaha qunsuliyada, waxaad la xiriiri kartaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, safaarad, ama qunsuliyad. Lifaaqa hoose waxaa kujira macluumaadka lagala xiriirayo iyo sidoo kale macluumaad dheeraad ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay ku shaqeysaa khadka caawinta oo 24-saac ah, sidoo kalena loo yaqaano khadka caawinta UD. Marka ay dhacdo inaad la xiriiri weydo safaarada ama qunsuliyada, waxaad wici kartaa khadka caawinta UD. Wac 08-405 50 05.

Haddii aad Iswiidhan kasoo waceyso, waxaad qeybta qunsuliyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala xiriiri kartaa qeybta wicitaanada Xafiisyada Dowladda inta lagu jiro saacadaha shaqada adigoo ka wacaya taleefan lambarka 08-405 10 00.

Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha

Waxaad liiska safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswiidhan kaheli kartaa lifaaqa hoose. Waxaa loo kala hormariyey sida ay u kala hooreeyaan xarfaha alifbeetada ee wadamada.

Yaa la caawin karaa?

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswiidhan ayaa ka shaqeeya inay caawiyaan dadka la kulmaya ama la kulmay tacadiga iyo hanjabaada la xiriirta qoyska marka ay joogaan dibada. Waxa ay si joogta ah ku lug yeelataa xaaladaha carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee dibada loo qaaday loona geystay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta iyada oo aan la dooranin in ay ku noqdaan Iswiidhan.

Marka laga yimaado muwaadiniinta Iswiidhan ee ku nool gudaha Iswiidhan, qaxootiga iyo dadka dal-la'aanta ah, iyo, xaaladaha qaarkood, ajnabiga ku nool gudaha Iswiidhan ama muwaadiniinta Iswiidhan ee ku nool dibada ayaa caawin kaheli kara maamulka dibada ee Iswiidhan.

Hadii adiga ama qof aad taqaano uu ku xiran yahay dalka dibadiisa oo loo geystay ama uu khatar ugu jiro in loo geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waxaad caawimaad ka raadsan kartaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, safaaradda, ama qunsuliyadda.

Carruurta iyo dadka waaweyn ee dibada loogu geystay ama khatar ugu jira in loo geysto dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta waxay talo ka raadsan karaan maamul dibada.

Waa maxay caawinta aad heli karto?

Haddii laguu geystay ama aad halis ugu jirto in laguu geysto dambiyada la xiriira sharaf-ilaalinta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, safaaradaha, ama qunsuliyadaha ayaa kaa caawin kara inaad ku soo laabato Iswiidhan. Xafiiska Arimaha Dibada ayaa kugu caawin kara bixinta baasaboorka, mid kumeelgaar ah ama mid joogto ah. Masuuliyiinta kusugan dalka dibadiisa ayaa sidoo kale gacan ka geysan kara inay la xiriiraan qaraabada, maamulka, shirkadaha caymiska, iyo bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka, iyo sidoo kale inay la xiriiraan maamulka maxalliga ee dalka dibadiisa ah.

Waxa kale oo aad heli kartaa caawimo lacageed oo ah qaab amaah ah oo aad dalki ugu safarto ama talo ku saabsan sida lacag looga soo xawisho akoonnadaada si aad ugu bixiso safarka aad ku imaaneyso gurigaaga. Waxaa sidoo kale lagaa caawinayaa sidi aad u heli lahayd waxa la yiraahdo qareen-kuu dooda, sida, wakiil sharci oo kugu matala dacwada sharci ee suuragalka ah.

Maamulka arrimaha dibada ayaa kala shaqeynaya masuuliyiinta Iswiidhan inay ku siiyaan caawinta aad ugu baahan tahay inaad ku noqoto Iswiidhan.

Maxaad adiga isku sameyn kartaa?

Haddii aad dhibane u tahay fal-dambiyeed adigoo safar dibada ah kujira, waa in, haddii ay suuragal tahay, aad dambiga ku wargelisaa booliiska maxalliga ah. Haddii uu dhaawac kusoo gaaray, tag isbitaalka kuugu dhow ama xarun kale oo daryeelka caafimaadka ah si laguu daaweeyo. Waxa ay sidoo kale kuu noqon kartaa mid waxtar leh sababtoo ah waxyeellada ayaa la diiwaangeliyaa.

Ururada ku caawin kara

Ururada kale, marka laga soo tago maamulka arrimaha dibada, ayaa taageero iyo caawin u fidin kara dadka loo geystay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta ee kabaxsan Iswiidhan. Macluumaadka meelaha lagala xiriirayo qaar kamid ah ururadaan ayaa hoos laga helayaa.

Khadka caawinta GAPF

Ururka Qaranka ee Waligaa Ha Ilaawin Pela iyo Fadime, GAPF, ayaa taageero iyo talo ku bixiya khadka caawinta. Waa ay furan yihiin 24/7, sanadka oo dhan. Dadka nugul, iyo sidoo kale qaraabada iyo xirfadlayaasha, waxay caawimaad ka raadsan karaan khadka caawinta. Xarunta caawinta waxaa ka shaqeeya shakhsiyaad caadeystay la macaamilka shakhsiyaadka loo geystay arrimaha sharaf-ilaalinta. Wicitaanka khadka caawinta waa bilaash, waad isqarin kartaa, shqaalaha taageeradana waxaa ay masuuliyad ka saaran tahay qarsoonaanta sirta.

Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen

Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen waa xarun qaabilaad oo loogu talagalay dhalinyarada qaangaarka ah ee loo geystay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta ama qof loo guuriyey ama halis ugu jira in qof aysan rabin loo guuriyo. Xarunta qaabilaada waxay ku siin kartaa caawimo si degdeg ah iyo mustaqbalka fog labadaba. Xarunta qaabilaada waxay leedahay labadaba LGBTQI iyo karti dhaqameed. Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen waxay sidoo kale talo siin kartaa xirfadlayaasha la kulma dadka nugul. Xarunta Qaabilaada waxay leedahay telifoonka degdega ah ee qaranka.

Xuquuqda dumarka

Xuquuqda dumarka waa urur aan macaash doon ahayn oo ujeedadiisu tahay in la caawiyo gabdhaha iyo wiilasha iyo sidoo kale dumarka loo geystay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta.

Hoyga dumarka iyo gabdhaha ee Somaya

Hoyga dumarka iyo gabdhaha ee Somaya waa urur aan macaash doon ahayn oo caawiya gabdhaha, haweenka, iyo shakhsiyaadka LGBTQI ee asalkoodu yahay ajnabi ee la kulma rabshadaha lammaane ee soke ama ku nool deegaan ixtiraam leh. Hawlagallada luuqadaha badan leh ee Somaya waxaa kamid ah khadka caawinta, wada sheekeysiga taageerada ah, deganaanshaha la ilaaliyo, iyo xarunta waxqabadka. Shaqaaluhu waxay khibrad dheer u leeyihiin caawinta dadka u baahan in la ilaaliyo kana baxsado dulmiga iyo rabshada.

Terrafem

Terrafem waa urur aan macaash doon ahayn oo u dooda xorriyada gabdhaha iyo haweenka ee ay kaga xoroobaan tacadiga ragga. Terrafem waxa ay ku shaqeeyaan khadka caawinta oo loogu talagalay gabdhaha iyo haweenka kasoo jeeda wadamada ajinabiga ah waxa ayna xiriir la leeyihiin shakhsiyaadka danyarta ah ee kasoo kala jeeda wadamo iyo luuqado kala duwan. Intaa waxaa dheer, Terrafem waxa ay ka shaqeysaa adeegga wicitaanka ee sharciga ah iyo adeegga wicitaanka haweenka.

Xuquuqda haweenka ee bulshada dhexdeeda, TRIS

TRIS waa urur aanan macaash doon ahayn oo la dagaalama dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. TRIS waxa uu kaalmo siiyaa dadka waaweyn iyo sidoo kale carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee loo geystay ama khatarta ugu jira dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Ururka TRIS, waxa ay ku takhasuseen dabooliddda baahiyaha carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee cagliga naafada ka ah. TRIS, waxa ay ku shaqeeyaan taleefanka caawinta, khadka caawinta ee TRIS, iyo adeegyo kale. Ururku waxa uu sidoo kale shakhsiyaadka nugul uu siin karaa degenaansho ama ilaalin kumeelgaar ah.

Xarunta Qaabilaada RFSL Stödmottagning

Xarunta Qaabilaada RFSL Stödmottagning waxay u qabataa waxqabadyo taageero ah dadka LGBTQ ee la kulmay dhibaataynta, hanjabaadaha, iyo rabshadaha. Qaraabada iyo asxaabta shakhsiyaadka LGBTQ ee rabshada wata, iyo sidoo kale xirfadlayaasha soogalaya dadka la beegsanayo, ayaa la soo dhaweynayaa. La xiriiridda taageerada xarunta qaabilaada waa mid bilaash ah, waana suuragal inaad isqariso.

Qeybta wada sheekeysiga ee Jaceylku waa xor

Rädda Barnen waxay maamushaa wada sheekaysi taageero ah oo lagu magacaabo Jaceylku waa xor. Wada sheekeysiga waxaa loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada raadinaya taageero iyo hagitaan ku saabsan arrimo kala duwan oo la xiriira sharaf-ilaalinta. Wada sheekeysiga waxaa maamula shakhsiyaad aanan macaash-doon ahayn. Halkan, carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah waxay soo jeedin karaan su'aalo ku saabsan xuquuqda, dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, xaddidaadda iyo guurka khasabka ah, iyo mowduucyo kale.

Amelmottagningen

Amelmottagningen ee ku taala Södersjukhuset ee Stockholm waxa ay qaabilaan gabdhaha iyo haweenka loo geystay gudniinka fircooniga. Xarunta qaabilaada waxaa ku sugan shaqaale dumar ah qofkasta waxa ay masuuliyad ka saaran tahay sir qarinta.

Xarunta Qaabilaada ee Vulvamottagningen

Xarunta Qaabilaada ee Vulvamottagningen ee ku taala Angered's Närsjukhus ee Gothenburg waa rug caafimaad oo loogu talagalay bukaannada uu soo gaaray gudniinka fircooniga ah.

Gaar u ah xirfadlayaasha

Waaxda Dawladda waxa ay leedahay Qeybta Khilaafaadka Qoyska oo ka caawisa xirfadlayaasha kiisaska ku lugta leh khasabka qoyska, sida dambiyada la xiriira sharaf-ilaalinta. Qeybta waxaa lagala xiriiri karaa iyadoo laga wacayo 08-405 55 88.

Marka ay noqoto arrimaha carruurta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay kutiirsan tahay wada-shaqeynta ay la leedahay adeegyada bulshada ee degmada. Waaxda adeegga bulshadu waxa ay awood u leedahay inay sameyso hawlo baaris ah, waxaana loo baahan yahay ogolaanshaha waaxda adeegga bulshada, tusaale ahaan, in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay bixiso baasaboor iyada oo aan oggolaansho laga haysan qofka masuulka ka ah ilmaha.

Wax badan ka akhri

Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan Xafiiska Arimaha Dibada iyo caawinta uu bixin karo marka ay dhacaan dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta ee kadhaca dibada ayaa laga heli karaa boggaga webseedka maamulka dibada ee kusaabsan khasabka la xiriira qoyska.

Muxu sharciga ka qabaa?

Waxaa jira sharci caalami ah iyo mid qaran oo u dagsan in carruurta, dhalinyarada qaangaarka ah, iyo dadka waaweyn looga ilaaliyo dulmiga iyo rabshada. Carruurta, dhalinyarada qaangaarka ah waxa ay leeyihiin xuquuq lamid ah mida dadka waaweyn, laakiin had iyo jeer malahan fursado isku mid ah oo ay ku ilaaliyaan xuquuqdaas. Taa awgeed, carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ayaa loo arkaa inay si gaar ah u mudan yihiin inay helaan ilaalinta sharciga.

Waxaa hoos kuqoran soo koobida qaar kamid ah sharciyada caalamiga ah ee kajira deegaanka iyagoo leh lifaaqyada falalka sharci ee kala duwan ee ciddi rabta inay waxbadan ka ogaato.

Cahdiga Golaha Yurub ee Kahortaga iyo Ladagaalanka Rabshada Kadhanka ah Haweenka iyo Shaqaaqada Guriga

Cahdiga Istaanbuul, oo ah Cahdiga Golaha Yurub ee kahortaga iyo ladagaalanka rabshada kadhanka ah haweenka iyo shaqaaqada guriga, ayaa kadhaqan galay Iswiidhan Ogoosto 1, 2014.  Yoolka ugu weyn ee cahdiga ayaa ah in laga ilaaliyo haweenka dhamaan noocyada tacadiga iyo in looga hortago, danbi lagu soo oogo, laguna ciribtiro dhibaatooyinka haweenka kadhanka ah iyo dhibaatooyinka guriga kadhaca. Gabdhaha kayar da’da 18 sano sidoo kale waxaa loo aqoonsan yahay haween. Rabshada guriga waxaa lagu qeexaa tacadiga jireed, galmo, maskaxiyan, ama dhaqaale ee loogu geysto qoyska ama guriga dhexdiisa.

Markii loo eego dembiyada sharaf-ilaalinta laxiriira, cahdiga waxa uu qeexayaa in guurka ilmaha iyo guurka qasabka ah in ay qasab tahay in la mamnuuco, iyo waxyaabo kale dheeri ah. Guurarka lagu dhiso qasabka waa waajib in laga noqdaa, la buriyaa, ama la fasaqaa iyada oo aan dhibaato loo baahnayn loo geysanaynin dhibanaha. Xubnaha waa inay sameeyaan ciqaabta falalka ula kaca ah ee xadgudubyada jireed ama galmo, xadgudubka daran ee lagula kaco sharafta shakhsiga iyada oo loo adeegsanayo handadaad ama cadaadis, iyo gudniinka fircooniga.

Sida ay qabaan qodobada 12aad iyo 42aad ee cahdiga, iyo kuwa kaleba, dhaqan, caado, diin, taariikh, ama waxa loogu yeero sharaf-ilaalinta looma isticmaali karo in lagu banaysto ficil dhibaatayn ah.

Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay

Sida uu qabo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, dhamaan dadka waxa ay leeyihiin xuquuqda noolaanshaha, madax-banaanida iyo nabad galyada shakhsi ahaaneed. Tani waxa ay qabanaysaa qof kasta, ilmaha iyo dadka waaweyn labadaba.

Baaqa guud waxa uu uga dhigan yahay udub dhexaad shaqada wadamada xubnaha ka ah ee kusaabsan xuquuqda aadanaha. Kudhawaad wadan kasta ee dunida kuyaal waa uu aqbalay in qaraarka yahay mid is afgarad oo u dhexeeya dadka iyo dawladda. Ugu danbayn waa masuuliyada dawladda Iswiidhan in ay xaqiijiso in xuquuqaheena bini'aadanimo la qaddariyo.

Baaqa waxa uu ka kooban yahay 30 qodobo kuwaas oo lagaga hadlaayo xuquuqaha iyo xorriyadaha caalamiga ah. Qodobka 16aad ee baaqa waxa uu xoogga saarayaa xuquuqda qofka qaangaarka ah uu ku guursan karo kuna dhisan karo qoys, iyo sidoo kale xaqiiqada ah in ragga iyo dumarka xuquuq siman ay leeyihiin dhammaan heerarka guurka, tusaale ahaan guurka kahor, inta guurka lagu jiro, iyo furriinka kadib. Guurku waxa uu ansax yahay oo kaliya haddii labada dhinacba ay si xor ah oo buuxda u ogolaadaan.

Cahdiga Yurub ee Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Asaasiga ah

Cahdiga Yurub ee Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadaha Asaasiga ah, ama ECHR, ayaa waajibaad aasaasi ah saaraya wadamada saxiixay cahdiga inay shakhsi kasta u dammaanad qaadaan xorriyada iyo xuquuqda lagu cayimay cahdiga dhexdiisa. Xuquuqaha waxaa kamid ah, iyo kuwa kalaba, xuquuqda nolosha, xuquuqda xorriyadda iyo amniga, xuquuqda asturidda sirta iyo ilaalinta nolosha qoyska, iyo xaqa guurka.

Amarka Dhibanayaasha Dambiga ee Midowga Yurub

Oktoobar 25, 2012, Baarlamaanka Yurub iyo Goluhu waxay ansixiyeen Awaamiirta 2012/29/EU ee dejinaysa halbeegyada ugu yar ee xuquuqda dhibanayaasha dembiyada iyo taageerada ilaalintooda. Hadafka amarka ayaa ah in lagu xaqiijiyo in dhibanayaasha dambiga ay helaan macluumaadka, taageerada, iyo ilaalinta, iyo sidoo kale xuquuqda ka qaybgalka dacwadaha dembiyada ku lugta leh iyaga. Dhibanayaasha dambiga waa in la aqoonsadaa oona si ixtiraam iyo qadarin leh loola dhaqmaa iyadoo lagu saleynayo duruufaha shakhsiyeed, oo ah qaab xirfadaysan oo aan takoor lahayn, sida ku cad amarka.

Cahdiga Heeg iyo Qawaaniinta Brussels

Waxaa jira dhowr cahdi oo caalami ah oo muhiim u ah kiiska dembiyada sharaf-ilaalinta la xiriira ee kadhaca dibadda. Waxaad ka daalacan kartaa dhawr tallaabo oo kale oo sharci caalami ah adigoo kagalaya lifaaqyada hoose.

Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta

Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, sidoo kalena loo yaqaano Cahdiga Xuquuqda Carruurta, waa qalab sharci oo caalami ah oo khuseeya dhammaan carruurta. Waxaa carruur ah qofkasta oo kayar 18 sano.

Dhammaan carruurtu waxa ay leeyihiin xuquuq isku mid ah oo si siman ayaa loo qiimeeyaa. Tani waa run iyada oo aanan loo eegeynin halka uu canuga kasoo jeedo, diinta uu haysto, ama daruufaha kale.

Mabda'a danta ubadka ee ugu wanaagsan waa barta dhexe ee uu kasoo baxo, waxa ayna micnaheedu tahay in waxa u roon ubadka loo tixgeliyo dhammaan arrimaha khuseeya ubadka.

Dhammaan carruurta waxa ay xaq u leeyihiin, iyo kuwa kale oo badan, sida uu qabo Cahdiga Xuquuqda Carruurta:

  • nolol iyo sharaf oo uu qofku yeesho.
  • xoriyad, firaaqo, waxbarasho iyo horumar,
  • asturnaan iyo awood ay ku doortaan cidda ay rabaan inay la joogaan,
  • in laga ilaaliyo dhammaan oocyada rabshadaha jireed iyo kuwa maskaxeed,
  • in laga ilaaliyo dhaqamada soo jireenka ah ee wax u dhimaya caruurta, iyo
  • inay saameyn ku yeeshaan noloshooda oo ay kaqeybqaataan go'aamada iyaga saameynta ku leh.